Taariikhda Cumar samater oo kooban

Cumar samatar waxa uu ku dhashay magaalada calula ee gobolka bari halkaas oo uu dugsigiisa quraanka ah uu kaga baxay. cumar samatar waxaa uu ka ka mid ahaa hogaamiyaashii labadii saldano ee (majeerteenya) ee ka dhisnaa degmooyinka (baargaal) iyo degmada (hobyo).cumar samatar waxa  kale oo uu taariikh ku leeyahay dalka ethopia. cumar samatar waxaa loogu magacdaray dugsiga sare ee magaalada  gaalkacyo .waxaa kale oo loogu magacdaray dugsiyo ku yaala dalkaasi ethopia .waxaa kale oo loogu magacdaray jaamacad dhaqaalaha ee ku taalaa magaalada adis ababa caasimada dalka ethopia.waxaa kale oo cumar samatar loogu magacdaray wadada wayn ee isku xirta magaalooyinka hawaash iyo adisababa .

waxaa kale oo jirta maalin taariikhi  ka ah dalka ethopia oo loo yaqaan (three festival freedom)oo lagu xuso (cumar samatar) iyo boqor (hailla salasa ).waxaa kale oo uu omar uu noqday la taliyihii hailla salasa.cumar samatar waxaa kale oo uu ahaan jiray taliyihii ciidanka qalabka sida ee dalka ethopia. waxaa kale oo uu halgamaa cumar samatar xukunkiisii ku fidiyey gobolka ismaamulka soomalida ee ethopia . waxaa kale oo uu madax ka ahaa cumar samatar saldanadii majeerteenya ee ka dhisneed degaanka hobyo .waxaa taariikh lama iloobaan ah in halgamaa cumar samatar uu hogaaminayey dagaalkii dhexmaray saldanadii (majeerteenya) iyo gumaysigii talyaaniga dagaaalkaas oo ahaa dagaalkii ugu cuslaa uguna qasaaraha badnaa ee dhex mara gumaysiga iyo gumaysi diidka.dagaalkaas oo socday mudo 6bilood ah (1925) dagaaladaas waxaa ku shahiiday ilaa 1000 qof oo soomaali ah iyo saraakiil ciidan .cumar samatar waxaa uu 09/11/1925 ka qabsaday gumaysigii talyaaniga deegaanka (eellbuur) isaga oo taageero ka helaya kacdoon shacab ka.

cumar samatar waxaa kale oo uu qabsaday degaanka (eeldheere).

15/11/1925 halgamaa cumar samatar waxaa uu gumaysigii talyaaniga kula dagaalamay  degaanka (budh-budh)iyo degmada( buuuloberde) dib ayuuna u riixay cadowgii. dagaalkaas waxaa ku dhintay sarkaalkii hogaamiyey dagaalka dhanka gumaysiga oo la oranjiray (lieutent-cronel spelendorelli) meel u dhaxaysa degaanka budh budh iyo degaanka (buulo berte)

la soco qaybta 3aad

abdalla cali abdalla

egypt.cairo

allcasayr.com

7 Comments

Filed under MAQAALO

7 responses to “Taariikhda Cumar samater oo kooban

  1. I always want to here history of good gay like cumer sameter,but some people have being denying because of they don’t know him very much who he was the person who bring these freedom that somalian people have and my people of majeereen has. as all we are we are very delighted because we still are freedom.

  2. ASS.

    anigu waxaan leeyahay haddii ay aqoon kaa tahayna Eebbe ha kaacafiyo haddii wax kale aan ka wadidna aday kuu taallaa balse Taariikhdii Cumar Samatar sidaas in badan bay ka kadisanayd.

    mahadsanid

  3. burhan

    maasha alaah sida fiican aad noogu soo bandhigteen taariikhdii halyeeygii cumar samatar kuwada saas waa gaari doontaane

  4. Cheyyene

    Oo waan maqley halyeygan balse inuu sidan halyey u ahaa maan ogeyn. Maashaaálah.

    Waan xiiseenayaa sheekadan oo qeybaha kale kala socon webseytkan.

    Ws

  5. waan kaaga soo mahad celinayaa abdalla sida shafrta leh oo aad u sheegaysid xaqiiqa dhabta ah ee ku sifaysan yahay saciimka iyo qaaidka geesigii sayid cumar samatar alaha u naxariistee ,waan hubaa hadii sidaa wax loo cadeeyo in badan oo quluubta ka jiran waay quusanayaan waayo waxaan ognahay oo aan naqaan taariikhda dalkeena iyo dadkeenaba anigoo ku faanaya in uu ahaa ugu horeen geesi ka soo jeeda deegaanka bari magaalada madaxda caluula,iyo deegaanka majeerteeniya iyo dalka iyo dadka u soo halgamay xoriyadda umada somaliyeed ayagoo la kaashanaya walaalhood somaaliyeed dlaka gudihiisa iyo dibadiisaba.abaanduulaha waxaa uu ahaa ninka ku jabiyay ciidamadi fascistada dhulkii sultanada majeerteen firdhadkoodina gaarsiiyay ilaa iyo india halka lagu magacaabay (budh budh).gumaystaha iyo gumayste kalkaalkana ay ilaa iyo haatan la jiranyihiin dhibkii soo gaaray.
    mahadsanidin dhamaan.

  6. aad iyo aad ayuu u mahadsanyahay walal keen suldaan adalla mah,ed moh,ud cali cabdalla oo isku xilqaamay inuu wax ka ogado tariikhdii halgamaa cumar samatar oo runtii aan filayao in dad dan gaara leh ay dafiraan taariikhdiisa waa ku mahadsanyahay abdallla walaalayaal dhalinta beesha siwaaqroon waxaan farayaa oo ugu baaqayaa inay soo aruuriyaan taarikhihii awoowayashood sida omar samatar,harti bile
    iyo kuwa kale

  7. waaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaw waa cajiib wax barashadu waa taariikhi ah inaan maanta ku arka wepka taariikhdii cumar samtar oo aah run ahaan tii halgamaa caanka ah wadanka soomaaliya oo mudnaa in loo taago taalo

Leave a comment