Duqii Hore ee Qandala oo Lagu Dilay Magaalada Bosaso

Published: January 22, 2020

Koox hubaysan ayaa xalay fiidkii waxay toogasho ku dileen guddoomiyihii hore ee degmada Qandala ee gobolka Bari Jaamac Maxamud Khuurshe.

Naxariistii janno alle ha siiyee Jaamac Khuurshe ayaa la dilay isagoo markaasi ka soo baxay Hotel ku yaal xaafad u dhow dekeda Bosaso magaaladda Bosaso.

Ciidamada Booliiska gobolka Bari ayaa goobta dilka ka dhacay gaaray, iyagoo halkaasi ka bilaabay baaritaano la xiriira dilka

Ma jirto koox sheegatay dilka gudoomiyihii hore hase yeeshee dilal noocan oo kale waxaa magaaladda Bosaso ka gaystay Ururka Daacish oo muddo kooban gacanta ku dhigay degmada Qandala xiligii uu guddoomiyaha ka ahaa.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *