Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Muuse Biixi oo farriin adag u diray dowladda iyo mucaaradka Soomaaliya

    Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi
    Image caption: Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

    Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka codsaday madaxda dowladda Soomaaliya iyo musharraxiinta mucaaradka in aysan soo faragelin arrimaha siyaasadda ee Somaliland.

    ,“Midowga mucaaridka ah ee Muqdisho jooga iyo madaxweynahooda iyo gobolladooda mid baan u dirayaa, haddii aynnu soomaali nahay, derisna nahay, dadna aynu isugu xigno danteennaa is diiday oo laba dawladood inaga dhigtaye col ma nihine, mid baan meesha qabanin, markaad dhammaantiin isku raacsan tihiin baarlamaanka Somaliland kasoo jeedaa Xamar laga dhex dooranayaa, markaad eregayaas leedihiin miisaanka uu leeyahay iyo meel-ka-dhaca uu leeyahay waad garanaysaane maxaad Somaliland ugu quudhaysaan,” ayuu yiri Muuse Biixi.

    Muuse Biixi wuxuu sidoo kale sheegay in dadka adeegsanayo magaca Somaliland ee xilka xildhibaanimo ka raadsado Soomaaliya aanay iyagu matalin, waa sida uu hadalka u dhigay.

    “Waxa idinka sii liita dadka waaweyn ee Somaliland ee halkaas dani ka gashay ee u shaqo tegay waxay doonaanba ha noqdaane ee wax ku doonaya Xamar hallanaga doorto Baarlamaan baannu noqonaynaaye, arrintaasna waxan leeyahay ma geynee xumaan iyo nac uun baad sii abuuraysaan,”

  2. Dhaqdhaqaaq ku aaddan sidii kalluunka Soomaliland loogu iib geyn lahaa Itoobiya

    Dhaqdhaqaaq ku wajahan sidii kalluunka laga soo jallaabto badda Somaliland loogu iibgayn lahaa dalka Itoobiya oo aan bad lahayn, ayaa waxa ku hawlan xukuumadda Somaliland iyo ganacsatada ka shaqaysata kalluunka iyada oo dhinaca kalena xukuumadda dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya ay arrintaasi aad u danaynayso.

    Shirar la xiriira maalgashiga labada dhinac, ayaa dhawaanahan ay magalada Hargeysa ka wadeen wafdi uu hogaamionayo wasiirka maalkgashiga u qaabilsan dawlad deegaaanka soomalida Itoobiya oo haatan Hargeysa jooga, iyada oo waxyaabaha laga wada hadlayana ay ku jiraan sidii labada dhinac ay u fududayn lahaayeen isugudubka labada dhinac iyo in laga wada hadlo Canshuuraha la saarayo badeecadaha la isdhaafsanayo.

    Warbixintan soo socota oo uu diyaariyay wariye Cabdillahi Jaamac, ayaa waxa uu kaga hadlayaa suuq geynta kalluunka Somaliland.

    Video content

    Video caption: Kalluunka Somaliland
  3. Hindiya oo xaqiijisay in dalkeeda uu ka dillaacay hergebka shimbiraha

    .

    Hindiya waxay xaqiijisay kiisas ku saabsan hergebka shimbiraha oo saameeyay ilaa 9 gobol oo ka tirsan dalkaas.

    Maamulka Delhi ayaa diiwaangeliyay kiisaskii ugu danbeeyay ee cudurkan.

    Gobolka Harayana, waxaa toddobaadyadii u danbeeyay ku dhintay in ka badan 400,000 shimbirood kaddib markii uu ku dhacay hergebka, waana meesha uu sida ba'an u saameeyay.

    Waxaana haatan socdaa dadaallo lagu xakemanyo fiditaanka hergebka shimbiraha ee saameeyay gobollo ku yaalla Hindiya.

    Dowladda waxay soo saartay digniino ku saabsan suurtagalnimada in hergebka shimbiraha uu gudbo banii'aadanka.

  4. Kenya: Muxuu wiilkan u dilay shan kamid ah xubnaha qoyskiisa?

    Ardey wax ka dhigta mid kamid ah jaamacadaha Kenya ayaa booliska ka hor qiray isla markaana faahfaahin ka bixiyay qaabka uu u dilay shan kamid ah xubnaha qoyskiisa, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

    Simon Warunge oo 22 jir ah ayaa lagu soo warramayaa in booliska uu u sheegay in uu bir ku garaacay hooyadiis, aabihiis, walaalkiis iyo qof qaraabo dhaw la ah ka hor inta uusan gelinin mindi.

    Ardeyga ayaa booliska u sheegay in waaliddiintiisa ay ahaayeen kuwo dhib badan oo sheydaan ah, sida uu ku warramay wargeyska The Star.

    Wuxuu sidoo kale sheegay inay necbanaayeen isla markaana ay wax ka sheegi jireen isaga, sida uu baahiyay teleefishinka Citizen.

    Waxaa sidoo kale lagu soo warramayaa in weerarka uu ku qaaday qoyskiisa ay ka badbaadeen labo gabdhood oo isaga la dhashay.

    Wararka waxay sheegayaan in hooyada dhashay wiilkan ay aheyd kalkaaliso qaabilsan climu nafsiga halka aabihiis uu ahaa kalkaaliye ka shaqeyn jiray Mareykanka kaas oo yimid xilliga fasaxa ka hor dilka loo geystay.

    Waxaa socdaa baaritaanka ku aadan dhacdadan.

    Booliska waxay xireen haweeney lagu tuhmayo inay saaxibo yihiin ninkan, waxaana maanta la horgeeyay maxkamadda.

    View more on twitter
  5. Uganda oo shacabkeeda uga digtay cunista kalluunka dhintay ee soo caariyay

    Harada Victoria
    Image caption: Harada Victoria

    Mas'uuliyiinta Uganda ayaa baarayaa sababta ka dambeysay dhimashada kalluun badan oo ay soo caarisay harada Victoria.

    Wasaaradda kalluunka ayaa shacabka dalkaas uga digtay in aysan cunin kalluunka dhintay ee soo caariyay isla markaana ay duugaan.

    Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay kalluun fara badan oo ay biyaha harada dibadda usoo saareen.

    Shacab badan oo kasoo jeedo dalkan ayaa ku tiirsan kalluunka.

    Harada Victoria waxay kala qeybisaa waddamada Kenya, Uganda iyo Tanzania.

    View more on twitter
  6. Itoobiya: Hogaamiyeyaal kale oo Tigre ah ayaan dilnay kuwo kalena waan qabanay

    .

    Ciidamada Itoobiya ayaa sheegay inay qabteen hogaamiyeyaal militeri ah oo ka tirsanaa TPLF halka qaar kalena ay dileen.

    Teleefishinka dowladda ee ETV ayaa ku warramay in saraakiisha la qabtay uu kamid yahay madaxii hore ee gobolka Tigray iyo labo sarkaal oo sare oo horey uga tirsanaan jiray ciidamada federaalka kuwaas oo ku biiray TPLF.

    Wakalaadda wararka ee dowladda Itoobiya ENA ayaa ku warrantay in 'tallaabo laga qaaday' saraakiisha iyo taliyeyaasha ku biiray TPLF.

    Dowladda Itoobiya waxay dhawaan sheegtay inay qabatay Sibhat Nega oo kamid ahaa xubnaha ugu saameynta badan TPLF.

  7. Puntland oo wado dadaallo xal loogu raadinayo beelo ku dagaallamay deegaan hoos taga Iskushuban

    Maamulka Puntland oo kaashanaya odoyaasha dhaqanka ayaa deegaan miyi ah oo hoos taga degmada Iskushuban ee gobolka Bari ka wada dadaallo xal roogu raadinayo beelo walaala ah oo halkaa ku dagaaallamay.

    Iskudhacyada beelahan oo dhaliyey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Kurtumo oo qiyaastii 18KM u jirta degamada Iskushuban, waxaana la sheegay in dirirtaasi ay ka dhalatay ceel halkaa ku yaalla oo mid ka mid ah beelahaasi ay qodonaysay.

    Haddaba si aan u helno faahfaahinta warkaas iyo inta uu la egyahay khasaraaha halkaa ka dhashay iyo dadaallada nabadaynta ee halkaa ka socda, ayaan khadka teleefoonka kula xiriirnay duqa degmada Iskushuban, Maxamuud Ismaaciil ciise oo u warramay Axmed Mursal Xuseen. oo marka hore waydiiyey dhibka dhacay inta uu la'egyahay.

    Video content

    Video caption: Puntland oo ku howlan xallinta colaadda
  8. Muuqaal ku saabsan: Baadigoobka ku aadan haraaga diyaaraddii ku burburtay Indonesia

    Video content

    Video caption: Shaqaalaha ku howlahan raadinta haraaga diyaaradda

    Ciidamada badda ee Indonesia ayaa soo saaray muuqaallo ku saabsan kooxaha ku howlan baadigoobka ee lagu raadinayo haraaga diyaaraddii sabtidii ku burburtay badda xilli uu sidoo kale socdo dadaal lagu raadinayo sanduuqa madow ee diyaaradda burburtay.

    Diyaaraddan rakaabka ah oo ay laheyd shirkadda Sriwijaya Air Boeing 737 ayaa ka duushay caasimadda Indonesia ee Jakarta, waxaa saarnaa raakab gaarayo 62 balse waxaa la waayay xilli ay sabtidii ku wajahneyd jasiiradda Borneo.

    Kooxda ku howlahan howlaha baadigoobka ah ayaa helay qeybo kamid ah diyaaradda burburtay iyo meydad.

    Sarkaal ka tirsan kooxdan ayaa ka dhawaajiyay inay wadaan dadaallo xooggan oo lagu raadinayo haraaga diyaaradda.

    Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP, ku dhawaad 2,600 qof ayaa ku howlan howsha baadigoobka iyo tiro maraakiib ah iyo diyaaradaha khumaatiga u kaca ay sidoo kale qeyb ka yihiin dadaallada.