BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
08 Janwari, 2009, 11:47 GMT; 14:47 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Puntland oo dooratay Madaxweyne cusub
 

 
 
Faroole
Abdirahman Mohamed waxa loo doortay Madaxweynaha Puntland
Doorashooyinkii Madaxtinimada Puntland oo maanta ka dhacay magaalada Garoowe oo Baarlamaanka Puntland oo isagu dooranaya Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa waxaa ku guuleeystay Abdirahman Mohamed.

Doorashada Cabdiraxmaan Maxamed waxay ahayd mid si wayn loo hadal hayay maalmihii la soo dhaafay wuxuuna safka hore kaga jiray murashixiintii faraha badnayd ee loollanka iyo ololaha ugu jirtay madaxtinimada Puntland, taas oo ugu dambaystii uu go’aan ka gaaray barlamanka maamul goboleedka oo wareeggii 3aad ugu codeeyay 49 cod oo ay guushu ku raacday.

Wareeggii saddexaad Cabdiraxmaan Maxamed waxay kula loollamay Cabdullahi Axmed Jaamac oo isna helay 17 cod, waxana wareegii labaad iyo kii koowaad ku haray murashxiin badan oo maalmihii la soo dhaafay si wayn uga muuqaday siyaasadda iyo ololaha.

Gen. Cabdisamad Cali Shire oo horay uga tirsanaa madaxda ciidanka daraawiishta Puntalnd ayaa isna maanta loo doortay Madaxweyne ku xigeenka Puntland ka dib markii uu 43 cod iyo 23 cod uu kaga guulaystay Sulaymaan Ciise Axmed oo ay isla gaareen wareggii saddexaad.

Taas macnahaheedu waxa weeye inay mar keliya meesha ka wada baxeen M/waynihii hore Cade Muuse iyo ku xigeenkiisii Xasan Daahir Max’ud taas oo lagu fasiray in ay guulaystay aragtidii isbeddel doonka ahayd ee ay wateen murashixiintii kale.

Cabdiraxmaan Maxamed ayaa markii la doortay ka dib waxa uu ka warramay arrimo badan isagoo tilmaamay in gobolku ku jiro marxalada adag oo dhibaato badan ay ka taagan tahay caalamka oo dhan, isagoo carrabka ku dhuftay inuu dhaqso u dhisayo golihii wasiirrada iyo dawladda inteedii kale.

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed wuxuu ku dheeraaday xaaladda guud ee Somaliya iyo in baahi wayn loo qabo hirgelinta qaran Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in maamulkiisu ka qaybgeli doono tallaabbo walba oo loo qaado dib u dhiska Somaliya.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cade Muuse oo isna ka hadlay munaasabadii maanta doorashada ka dib, ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay in doorashadu ku dhamaatay si cadaalad ah oo nabadi ku dheehan tahay isagoo dhinaca kalana hambalyo u soo jeediyay M/waynaha cusub oo uu ku sheegay nin tacliin leh awoodna u leh hoggaaminta Puntland.

Murashxii looga adkaaday wareegii ugu dambeeyey ee doorashad Cabdullaahi Axmed Jaamac ayaa isna sheegay inuu ku qancay sida ay doorashadu ku dhamaatay uuna la shaqayn doono M/waynaha cusub.

Doorashada maanta waxay ahayd mid si wayn looga sugayay gobollada Puntland iyadoo maalmihii la soo dhaafayna dad badani ay walwal ka qabeen xaaladda ammaanka iyo sida ay arrimuhu ku dhammaan doonaan.

Laakiin dadwaynuhu waxay si wayn u soo dhoweeyeen isbeddelka maamul ee dhacay taas oo saadaal laga bixinayo in gobolku ka bixi doono xaaladdii ammaan darro iyo dhaqaale burbur ee afartii sano ee la soo dhaafay.

Cabdiraxmaan Maxamed waa Madaxweynihii saddexaad ee ku guulaysta markii saddexaad ee doorasho loogu tartamo jagada M/waynaha Puntlnd laga soo billaabo 1998, waxana lagu hanwayn yahay in M/waynaha cusubi uu dalka ku soo dabbaali doono isbeddelkii muddada la sugayay.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin