BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
16 Nofembar, 2005, 19:58 GMT; 22:58 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
Olole Talaal oo ka bilaabmay Puntland
 
Olole Tallaal oo socon doona muddo toban maalmood ah kaas oo looga hortagayo cudurka Jadeecada oo ka dillaacay meelo ka mid ah maamul goboleedka Puntland ayaa maanta si rasmi ah uga billowday gobollada Puntland, hawshan waxaa iska kaashanaya maamul goboleedka, hay’adaha qaramada midoobay iyo hay’ado kale oo madax bannaan.

Ujeeddada laga leeyahay ololahan waxaa lagu tilmaamay in tallaalka cudurka jadeecada lagu gaarsiiyo dhammaan carruurta ku nool Puntland ee ay da’doodu u dhaxayso 9-bilood ilaa 15-sano ee ku nool magaalooyinka, tuulooyinka iyo degaannada fog-fog, wuxuuna tallaalkani u muuqdaa mid ay hay’aduhu ahmiyad wayn siinayaan.

M/wayne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir Max’ud oo maanta ka qaybgalay kulan arrintan ku saabsan oo ka dhacay magaalada Garoowe ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay furitaanka tallaalkan, iyadoo munaasabadan lagu tallaalay cunuggii ugu horreeyay ee nasiibka u yeeshay tallaalkan.

Xasan Daahir oo arrimo kala duwan ka hadlay wuxuu waalidiinta iyo dadka gacanta ku haya carruurta ugu baaqay inay carruurta la beegsadaan goobaha tallaalka si looga badbaadiyo cudurkan Jadeecada, wuxuuna yiri:

‘‘Waxaan doonayaa in aan halkan farriin uga gudbiyo waalidiinta iyo daryeelayaasha carruurta oo aan leeyahay fadlan ka faa’idaysta fursaddan oo ka tallaala carruurta cudurka Jadeecada, go’aanka aad maanta ku tallaashaan carruurta wuxuu muhim u yahay inay mustaqbalka ku noolaadaan nolol caafimaad, faraxad iyo waxbarasho leh’’

Qabanqaabada mshruucan tallaalka waxaa gacanta ku haya wasaaradda caafimaadka ee Puntland oo kaashanaysa hay’adaha WHO, UNICEF, iyo urur madax bannaan la yiraahdo Merlin oo ka socda kalka Britain, furitaankii munaasabaddan ka dib hay’adahan iyo wasaaradda caafimaadku waxay xarunta jaamacadda PSU ku qabteen shir jaraa’id oo ay uga warrameen ujeeddada iyo ahmiyadda tallaalkan.

Wasiirka caafimaadka Puntland C/raxmaan Siciid Max’ud oo ka hadlay shirkaa jaraa’id ayaa faahfaahin dheer ka bixiyay siyaasadda maamulka ee ku aaddan tallaalkan iyo dadka uu ku wajahan yahay, iyo sababta markii hore dhalisay bilowga tallaalkan, wuxuna yiri wasiirku’’.

‘‘Tallaalka Jadeecada oo lagu tallaalayo ilmaha ay da’doodu u dhaxayso sagaal bilood ilaa shan iyo toban sano ee maanta si rasmi ah uga billowday dawlad goboleedka Puntland waxaanu caddaynaynaa in xoogagga caafimaad ee maamul goboleedka Puntland ay tallaali doonaan 40% tirada guud ee dadka ku nool maamul goboleedka Puntland.

Cudurkani wuxuu dhowaan ka dillaacay magaalada Galkacyo sidaa darteed ayaa wasaaradda waxbarashada iyo hay’daha caalamigu waxay qaadeen olole tallaal ka dibna waxaa la go’aansaday in tallaalka lagu baahiyo gobollada ay ka kooban tahay dawlad goboleedka Puntland.’’

Inta badan masuuliyiinta ka qaybgalay furitaanka tallaalka ee maanta waxay diiradda saareen dadka caruurta gacanta ku haysa taas oo ay u arkayeen farriin muhiim ah si carruurtu ay fursad ugu wada helaan ka qaybgalka tallaalkan ayna uga badbaadaan khatarta cudurkan Jadeecada.

Dr. John Lebga oo ah madaxa mashruuca tallaalka ee UNICEF Somaliya ayaa ka warramay ahmiyadda tallaakani ugu fadhiyo carruurta Soomaalida isagoo dadka Puntland u rajeeyay inay ka faa’idaystaan fursaddan, wuxuuna yiri isagoo arrimahaa ka hadlaya:

‘‘Waxaan ugu baaqayaa dadka reer Puntland inay tallaalka keenaan caruurta ay da’doodu u dhaxayso sagaalka bilood ilaa 15-sano, waa tallaal mar keliya ah si carruurta ay uga badbaado cudurka Jadeecada, qof walba wuu yaqaan Jadeecada oo qaar naga mid ah ayaa Jadeecada darteed ku waayay dad ay jecelaayeen, waxaan ku kalsoonahay in ololahani uu guul ku dhamaan doono’’.

Ololahan waxaa ka qaybgalaya ilaa 200 oo kooxood oo koox waliba ay ka kooban tahay shan xubnood kuwaas oo tegi doona dhammaan magaalooyinka iyo tuulooyinka ay ka kooban tahay dawlad goboleedka Puntland.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin